SHEEKO CAFIMAD

SHEKO

Sheko cilmi iyo cikmad xanbaarsan.


Ninkii isagoo heesta shadado dugsi sare kaliya noqday dhakhtarka ugu caansan caalamka khaas gaar ahaan kuwa sameeya qalliinka wadnaha , waa dhakhtar in badan ku soo kordhiyay cilmiga qalliinka wadnaha iyo qeybo kale oo caafimaadka ah , wuxuuna tababaray dhakhaatiir ilaa iyo hadda caan ku ah dhinaca cilmiga qalliinka . Sheekadani waxay ku saabsan tahay nin dhalin yaro oo african - american ah oo ku dhashay ameerika sanadkii 1910 , xilligii gumaysiga iyo xasuuqa loo geysan jiray dalalkii la gumeysan jiray ee Africa kuwaasoo dad badan laga soo raray. 


Ninkani waxaa lafu magacaabaa " Vivien Thomas " waxuu shaqaalo ahaan ugu shaqayn jiray nin dhakhtar cilmibaare ah oo wax ka baari jiray cudurrada wadnaha ku dhaco , maadaama cilmibaare uu ahaa ninkaan wuxuu lahaa xarun lagu xanaaneeyo eeyaha kuwaasoo loo isticmaali jiray qalliimada baroobada ah inta aanan lagu tijaabin bini'aadanka . Vivien Thomas wuxuu xanaanyn jiray eeyahaas baarista loogu talagalay , wuu quudin jiray wuuna u qabayn jiray , maadaama uusan haysan meel uu seexdo , iyagoona dhex jiifan jiray . Habeenkii marka la xero xarunta shaqada , wuu soo kici jiray wuxuuna si qarsoodi ah ku akhriyi jiray buugaagata caafimaad ee ninka dhakhtarka uu u shaqeeyo leeyahay.


Vivien Thomas wuxuu ahaa nin aad u fahmad badan , wax barashadiisana waxay ku ekayd dugsi sare kaliya oo markaa wax dugsi sare ka soo baxo oo dadka madow aad ayay u yaraayeen , haddii ay waxbartaan xitaa waxay ka shaqayn jireen nadaafadda , xanaanaynta xoolaha iyo beerfalidda , shaqo xafiis loo ma ogoleen . Maalin maalmaha ka mid ah dhakhtarkii meesha lahaa ayaa waxaa soo food saartay dhibaato ubaahan xal , taasoo ahayd xanuun wadne oo ay ku dhashaan caruurta , taasoo haddii aan qalliin lagu sixin caruurta ay u dhimanayan, wax kasta wuu isku dayay , wuuna ku guuleysan waayay , xalinta xanuunkaas.

Vivien thomas , maadaama uu qalliinka marka lagu samaynayo eeyaha uu celcelin jiray uuna fiirsan jiray , habeenkiina uu wax akhrin jiray uuna wax badan ka fahmay , ayuu wxuu sameeyay qaliin aan la ogeen wuxuuna ku sameeyay eeyihii mid ka mid ah , kadibne qalliinkii wuu ku guuleystay . 

Fikradda qalliinka waxay ahayd in markii laqalo eyga , wadnihiisa loo tolo ama laga dhigo qaabka xanuunka ay caruurtu ku dhashaan oo kale taasoo ah, wadnaha qeybihiisa in la is dhaafiyo , kadibne lagu sameeyo qaliin kale oo lagu saxayo wixii la qalday . 

Arrintii ayuu u sheegay dhakhtarkii isagoo welwelsan , wuu aamini waayay dhaqtarkii , wuxuuna ku yiri : bal hadda samee waxa aad sheegayso , wuxuu la yaabay dhakhtarkii sida uu wax u qalayo iyo sida uu jirka qeybihiisa u kala fahansan yahay , dhaqtarkii wuxuu ku yiri : maanta wixii ka dambeeyo waa ila shaqaynaysaa , waxaa loo soo wareejiyay xaruntii cilmibaarista , hadalkii uu yiri dhakhtarka markuu ka yaabay ninkaan uu yasi jiray siduu wax u sameeynaayo wuxuu yiri hadal taariikhada galay oo ah " something the lord made " oo micneheedu yahay " arintani waa wax uu ilaahay wato.

Vivien markii loo fasaxay inuu cilmi baaris samayn karo oo weliba si qarsoodi ah , wuxuu la soo baxay maskax dheeri ah iyo fıkrado aad loola yaabay illaa dadka ay isla wadaagaan xogtiisii , laakiin nasiib darro wixii natiijo ka soo baxo cilmibaaristiisa iyo qalliimadiisa looma ogolaan jirin inuu shirarka ku soo bandhigo ama dhakhaatiirta kale uu la fadhiisto oo wixii farxad ama qadarin ah iyo shahaado ah waxaa heli jiray dhakhtarkii uu u shaqaynayay . Xittaa lacagtii uu eeyaha ku xanaanayn jiray waxba looguma darin , waxaana heysatay duruufo nolol , caruurne wuu lahaa markaas . Dhakhaatiirta wadanka way ogaayeen inuu jiro nin madow ah oo dhakhtarkaan cadaanka ah qalliimada u fuliyo , booqasho ayay ugu imaan jireen , markaasne qeybta xanaanada eeyaha ayaa loo dhaadhicin jiray oo indhahooda ayaa laga qarin jiray isagoo xarunta cilmibaarista dhex fadhiya ama shaqo ka qabanayo .


Muddo dhowr iyo labaatan sano kadib , ninkii dhakhtarka cadaanka ahaa waxaa loo doorta inuu madax u noqdo qeybta qalliinka ee jaamacadda " John Hopkins " oo ka mid ah jaamacadaha ugu tunka wayn dalka maraykanka . Ninkii wuu ka sabri waayay shaqaalihiisii " vivien thomas " wuu soo raray isaga iyo cidiisaba oo wuxuu soo dajiyay magaaladii ay jaamacadda ku taalay , guri ayuu uga ijaaray meel aan ka fogayn , wuxuuna u sheegay inta uu nool yahay in ay isla sii shaqayn doonaan illeen dan ayuu ku heestaayee , Vivien wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee madow ah oo labista dharka dhakhaatiirta , wuxuuna noqday ninkii ugu horeeyay ee madow oo loo ogolaado inuu isibtaal shaqo u yimaado iyo jaamacadba . 

dadka kale ee madowga ah oo isibtaalka iyo jaamacadaba dhulkooda tiritiri jiray markay arkaan way layaabi jireen oo indhaha kama aysan jeedi jirin . Inkastoo uu la kulmay dhibaatooyin aad u badan oo ay ugu weyn tahay cunsuriyad , n loo diido magaca dhakhtarka , in shahaado loo aqoonsado , in wixii cilmi uu isagu lahaa in loo nisbeeyo.


Laakiin muddo 40 sano kadib markii ay isla shaqaynayeen dhakhtarkii cadaanka ahaa waxaa loo ogolaaday inuu ardayda cilmigiisa wax ku taro maadaama uu howlgab sii noqonayo . Ardayda way isku dagaali jireen siday wax uga faa'daysan lahaayeen markii loo fasaxay , wuxuuna soo saaray dhowr dhakhaatiir oo taariikhada caafimaadka maraykanka meel ka galay kuwaas oo markii dambo ku guulaysteen markuu dhintay kadib in mgaciisa la suro darbiga dhakhaatiirta waawayn ee maraykanka ku soo kordhiyay cilmiga caafimaadka . Inkastoo wax qalliin ah inuu sameeyo aana loo ogolaan waligiis.

Vivien waxaa lagu naaneesay kuliyada caafimaadka qeyb weyn oo ka mida jaamacada John Hopkins , cilmigii uu ka tagay iyo qalliimadii uu soo kordhiyay illaa iyo hadda ayaa loo isticmaalaa in lagu badbaadiyo dad badan . Sanadkii 2004 , waxaa nolosha vivien thomas laga sameeyay filin lagu magacaabay " Something the Lord Made " oo aad kaga bogan kartaan warbixinta noloshiisa oo faahfaahsan .







Post a Comment

0 Comments