Qosolku Waa Mid keeni kara Faaiidooyin Caafimaad .. Sheeko Dhex Martay Takhtar Iyo Nin haaya cuqdad nafsi.
Faa’iidada qosolka mid la soo koobi karo ma ahan, maxaa yeelay waxaa la arkay dadka qoslka badan waa dad furfuran oo noloshoodu aanay u badnayn feker iyo welwel, taasoo ka badbaadinaysa cudurka niyad jabka iyo diiqadda, iyadoo dheecaanada jirka faa’iidada ugu sare ugu jira una qaaddo, kana badbaada, Dhiig-karka, Cudurka Macaanka, Wadna Xanuunka, Faalijka, Gaaska iyo xanuuno kale oo uu keeno walwalka iyo welbahaarka.
Sidaa darteed qosolka sharciga ah amase ila xad diintu ogashay ha lagu dadaalo, horeba waxaa loo yiri: qosalku waa dawada ugu fiican.
Sheeko gaaban oo qosol leh.
Nin xanuun iska dareemay ayaa maalin u tagay Takhtar, wuxuuna uga war-bixiyay dhibka iyo sida loo haayo, ama xanuunka uu qabo Takhtarkii oo hubsanayo sida loo haayo, su’aalana weydiiyay si uu u garto, xanuunka iyo sida ninka loo haayo.
Takhtarkii wuxuu dareemay in ninka jirada hayso ama cudurka uu yahay mid nafsi ah ama cuqdad nafsi ee cudur kale uusan haynin.
Takhtarkii ayaa marka talo u jeediyay bukaankii kuna yiri: Waxaan kugula talinayaa inaad niyadaada ka dhaadhicisid inaadan xanuusanayn, oo jiro dhan aanaba qabin, oo aad tahay qof caafimaadkiisa taam ah, asagoo kawada, jiro kumahaysa ee niyadaada lee waaye.
Ninkii oo yaaban oo wuxuu sheego garan la’ intaas marku maqlay ayuu yiri "Waa hagaag dhakhtaroow” dabadeed isago hoos ka ganuunacaaya, ayuu isku sheegay in Takhtarkaan meesha waxba ku haynin oo wuxuu ogyahayba iska yar-yihiin, isla markiina kursigii ayuu kor uga kacay dhanka albaabka ayuuna sii aaday, si uu u baxo.
Takhtarkii ayaa intuusan bixin ninkii bukaanka ahaa ku yiri:“War ninyahow waaban ilaawi gaaree, lacagtii
baaritaanka isii” .. Bukaankii oo hoos ka ganuunacaya ayaa mar qura las oo booday oo yiri: Takhtaroow, ojadigaba iska dhaadhici inaan lacagtii kuu hor mariyay.
1 Comments
M.a sxb noo soo badi waa sheeko qosol bdn oo wax bdn taabanayso oo la fahmi karo
ReplyDelete